Ban Ki-Moon, ayaa madaxda Wadamada Carbta ku booriyey in ay sharci darro ka dhigaan ururka Al Shabaab ee Somalia, kuwaas oo Koonfurta Somalia inteeda badan gacanta ku haya. Mr Ban ayaa shirka Wadamada Jaamacadda Carabta ee Libya ka sheegay, in dhamaan wadamadaas ay xil saaran tahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen dedaalka caalamka, ee ururkaas lagu gooni- joogtaynayo, iyadoo xubnihiisu ay si aan loo aaba yeelin u dilaan oo ay bomam ugu ridaan dadka, si ay u gaadhaan ujeedooyinkooda.
Waxa uu xukuumadaha Carbta ugu yeedhay, in ay mamnuucaan hawlaha Al Shabaab wadamadooda ka wadaan, lagana hortago, in ay lacag loo urursho, oo ay dagaal yahaniin ka qortaan








