Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, halkaasi oo ay kasii aadi doonaan magaalada Sirta ee waddanka Libya, oo lagu qabanayo shirka wadamada Carabta.
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa wafdigiisan ka sii horeeyay xubno ka tirsan dowladda oo qeyb ka ahaa shir loogu sii gogol xaarayay kullanka madaxda wadamada Carbeed oo laguw ado in berri uu ka furmo Libya.





