RAAD TV International

RAAD TV International

Sunday
Sep 05th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home

Guddoomiyaha maxkmadda sare ee Soomaaliya Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur)

E-mail Print PDF

som-mapGuddoomiyaha maxkmadda sare ee Soomaaliya Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur) ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan wasiirada dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay soo faragelinayaan madax banaannida garsoorka Soomaaliya. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in markii uu oggaaday in waddanka uu ka soo maqan yahay in wasiirka wasaaradda Kalluumeeysiga Cabdiraxmaan Ibbi uu wareegto u sameeyay garsoorayaasha oo uu ammar ku siinayo inay ka soo qeybgalaan shir, taasi oo uu sheegay in loogu gabanayay arrimo nabadgelyo.

Maxamuud Cumar Faarax (indha buur) waxa uu sheegay in hawshiisa ay soo farageliyeen wasiirada garsoorka iyo kalluunka, taasi oo uu sheegay in aanu aqbali doonin, oo uu is casili doono ama sharciga la tiigsan doono.

Dhinaca kale isagoo ka hadlayay garsoorka waxa uu sheegay Guddoomiyuhu in awood yarida ay leeyihiin nidaamka garsoorka awgeed mararka qaarkood ay indhaha ka qarsadaan arrimo badan.

Maxamuud Cumar Faarax Indha-buur ayaa muddo ka badan afartan sano ku soo dhex jiray garsoorka Soomaaliya.

 

Live Raad TV


.

 CLAIM TODAY SOLICITORS

KUU WARRAMAY

CAYAARAHA

ISLAMIC CALENDAR

Sunday 5 September 2010, 26 Ramadan 1431