Barnaamijyada RAAD TV International waa barnaamijyo joogto ah, oo loogu talo galay in ummadda Af Soomaaliga ku hadasha ay ka haqab beesho wararka, war bixiinno, cilmibaaris, taariikhda Islaamka, murti iyo madadaalo, barnaamijyada dhallinyarad iyo carruurta, bulshada, haweenka, caafimaadka, tacliinta iyo taariikhda iyo barnaamijyo kale oo aan joogto ahayn sida, ganacsiga, waraysiyo iyo munaasibadaha iyo shirarka la qabto iyo kuwo kale oo badan.
Waxaa kamid ah:
RAAD RAAD: Waa barnaamij lagu gorfeeyo taariikhdii iyo dhacdoonkii hore ee siyaasadda Somaalida oo lagu waraysto madxda kala duwan iyo dadkii goobjooge- yaasha ahaa iyo dad aqoon u leh kolbba dhacdada laga hadlayo.
Taariikhda Islaamka: Waa barnaamij xiiso leh oo loogu talo galay in laga barto taariikhda Islaamka; marxaladiihii iyo guulihii islaamaka iyo muhimadda nabadda iyo Islaamka.
Aragtida Siyaasadda: Waa barnaamij toddobaadle ah oo u badan doodo iyo faaqidaad waayaha siyaasadda ee kolbba markaa xiisaha leh.
Dhacdooyinka Toddobaadka: Waxaa lagu gorfeeyaa dhacdooyinka iyo waraka toddobaadkii lasoo dhaafay.
Fanka iyo Suugaanta: Waa barnaamij lagu waraysto Abwaannada iyo fannaaniinta Somalida. Oo xiiso badan u leh dadka waaweyn ee qurbbo jooga ah iyo dadka dalalka gudoohodaba deggen.
Arrimaha Bulshada: Waa barnaamij lagu lafo guro arrimaha bulshada iyo qoyska, siiba arrimaha haweenka iyo qurba joogga.
Maxay kula tahay: Waa barnaamij daawadeyaasha la weydiiyo ra’yigooda iyo wixii talooyin ah ee ay RAAD TV kula talinayaan.
Talk 2 U amma Waan kula hadlayaa: Waa barnaamij llogu talo galay dhallinyarada siiba kuwa qurbaha ku dhashay amma ku ababay.
Kuu Warramay: Waa barnaamij loogu talo galay inay dadka kala jooga dunida dacalladeeda ay kusoo gudbiyaan dhacdooyinka xiisaha leh ee ay la kulmaan.
Waxa kale oo barnaamijyada RAAD TV kamid ah barnaamijo aan joogto ahayn sida Cayaaraha/Sportska , barnaamijyada Carruurta,Caafimaadka, Ganacsiga, Xafladaha Bulshada, Waraysiyo.
Waxa kale oo RAAD TV International soo dhaweynayaa xayasiisyada iyo fududaynta barnaamijyada soo baxaya.



barnaamijyada

