Yoolka Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD.,waxaa weeye inuusoo tebiyo warar sugan oo dhexdhexaad ah, isla markaana uu daboolo baahida warbaahineed iyo wacyigelintiisa bahweynta ku hadasha afka Soomaaliga
Telefishanka Calamiga ah ee RAAD wuxu soo bandhigayaa hab saxaafadeed firfircoon oo ay hagayaan hormuudada warbaahinta Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya farsamo casri ah, waxaana laga daawan doonna telifishanka iyo shabakada Internetka.
Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD ujeedooyinkiisa ugu waaweyn waxaa kamid ah maabaadi’da xorriyada hadalka, dood wadaaga, daryeelka iyo u heellanaanta Xuquuqda Insaanka oo ah mabaa’diida uu aaminsan yahay Telelifishankii.
Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD waxaa uu aad ugu wayn danaha dadweynaha waxaana uu ka soo horjeedaa falalka aan habooneyn ee loogu daneeyo cid gaar ah oo ay sameeyaan qaar ka mid ah hay’adaha waaweyn ee warbaahinta, kuwaas oo u muuqda inay maamulaan ururinta iyo sii deynta dhacdooyinka jira iyo wargelinta dadweynaha .
Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD waxa uu buuxin doona baahida iyo filashada daawadeyaashayada annagoo fursad u siinayaa daawadeyaasha inay daawadaan barnaamijyo kala duwan oo aqoontooda kordhiya. Annagoo tayada gaadhsiineyna heerka ugu sarreeya ee noocyada barnaamijyada.
Telefishanku waxa uu isu keeney shaqaale leh waayo aragnimo sare, oo u heellan, himmad badan iyo rabitaanna u haya in RAAD TV International ay ka dhigaan warbaahin casri ah oo lagu hirto.
Telefishanka RAAD waxa uu keeni doonaa wararka ugu dambeeyey ee gudaha iyo debedaba.Wararkaas iyo barnaamijyo kala duwan oo badan waxaa laga soo diri doonaa shanta qaaradood ee dunida.
Sida na loo daawanayo
Telefishinka caalamiga ah ee RAAD waxaa loogu tala galay in uu dunida oo dhan la gaadhsiiyo, barnamijyadiisa sida wayn looga fikiray, taasina waxa ay siinaysaa dadka wax xayeysiista meel iyo fursad ay la xidhiidhaan.
Barnaamijyada RAAD TV oo ay hoggaamiso farsamo iyo farshaxan caalami ah oo weliba lagu sii qurxiyey khubaro iyo dad aqoon dheer u leh wax soo saarka barnaamijyada, ayaa fursad siinaya dadka ganacsadeyaasha ah xaqa ay u leeyhihin inay helaan kor u qaadidda habka suuq gaynta iyo suurtagelinta ganacsiga
Adeegyo tayo leh oo loo diyaariyey
Daawadayaashayada ku nool dunida dacaladeeda
Maamulka RAAD TV International Iyada oo xaslan doontaan siyaabaha kala duwan ee aad wax ugu daawan kartaan RAADTV, oo isha ku haya malaayiinta qof ee Somalida ah ee aduunyada ku nool, si gaar ahna u eegi doona Afrika. Waxaannu suurtagelin doonaa in aan soo jiidano ilaa 70% dawadayaasha. RAAD TV wax uu ka dheregsan yahay farsamada casriga ah ee horumarinta xaga TV- yada Sidaas awgeed, daawadayaashayada aduunyada dacaladeeda ku nool waxaanu u qoondaynay farsamada ugu heerka sareysa dunida maanta.
Tayada barnaamijka
Iyadoo ay soo badanayaan tirada TV- yadu ayaa RAAD TV waxa barmamijyadiisa telifishanka iyo shabakada internetkaba ku soo bandhigi doonaa barnaamijyo tayaysan oo soo jiita daawadayaashayada, isla markaana waxaanu daawadayaashada u ogolaanaynaa in ay soo gudbiyaan fikirkooda iyo aragtiyadooda kala duwan. RAADTV waxaa uu soo dhawaynayaa dhammaan bulshada Af Soomaaliga ku hadasha.
RAAD TV INTERNATIONAL waxuu kuugu talo galey barnaamijyo xiiso leh, oo xusuus aan go’in ku reebi doona maskaxdiina.
Ganacsatada danaynaysa in ay kobciyaan korna u qaadaan ganacsigooda iyo suuqyada ay naawilayaan, waxay heli doonaan fursado qaali ah . Dhinca kale Hay’adaha kala duwan waxaanu ugu bushaaraynayaan in aanu si sahlan u gaadhsiin doono himiladooda.



Hordhac

