RAAD TV International

RAAD TV International

Wednesday
Sep 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home

KUU WARRAMAY.

Waxaannu dhammaan daawadayaashayada  qaaliga ah ee ku kala nool qaaradaha kala duwan aannu marka hore ugu hambalyaynayanaa Sannadka cusub ee 2010. Marka labaad waxaannu idiinku mahad naqaynaa dhiirrigelinta iyo soo dhawyntaa aad mar walba RAAD TV aad la garab taagan tihiin.Taasoo ah taakulo iyo kobcin.

 Waxaannu idinla socodsiinaynaa  inaay hawshii RAAD TVInternational weli noo socoto ilaa haddana aannu ku guulaysannay qaybtii hore ee ahayd in loo raro Hargeisa, isla markaana aannu websitkii dib u habaynno. Taassoo hadda noo dhammaatay.

 Waxaannu Inshaa’ Allah ku talo jirnaa in aannaan raajin soo saarista RAAD TV ee uu soo baxo qaybta hore ee sannadkan 2010.

 Dhammaan daawadayaasha waxaannu ka codsanaynaa inay is diiwaan geliyaan si aannu xidhiidh joogto ah idiinla yeelanno oo aannu emailka idiinku soo gudbinno hadba wixii cusub.

 Waxaa  kale oo aanu daawadyaashayada North Amerika ugu bushaaraynayanaa in aannu RAAD TV dhawaan gaadhsiiin doonno Maraykan iyo Canadaba.

Waxa kale oo annu  ku faraxsannahay in RAAD TV uu yeelan doono  barnaamij cusub oo  kamid noqon doona barnaamijyadiisa oo la magic baxay KUU WARRAMAY. Kaasoo aannu ugu talo galnay in daawadyaashayada ku la baahsan addunweynha, ay fursad u helaan inay noo soo diraan warar kooban, amma dhacdooyin xiiso leh  oo ah muuqaal. Wararkaas kooban amma clipyadaas waxay noqon doonaan  ugu badnaan saddex daqiiqo, waxaana la sii dayndoonaa tododdobaadkiiba dhawr  war oo kal duwan.

Wakhtiga iyo habka loo soo dirayo mardambe ayaanu websiteka idinkala soo socodsiin doonnaa Inshaa’ Allah.

Last Updated ( Thursday, 31 December 2009 01:17 )

 

Live Raad TV


.

 CLAIM TODAY SOLICITORS

KUU WARRAMAY

CAYAARAHA

ISLAMIC CALENDAR

Wednesday 8 September 2010, 29 Ramadan 1431